Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay gaari sahay u siday Daacish iyo raggii waday

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay gaari nooca Dhaynta ah oo raashin iyo qalab tamarta cadceedda ah u waday kooxda Daacish ee ku sugan togga Baallde, halkaas oo ay ciidamadu horey uga sameeyeen go’doomin dhinac walba ah.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Biyo Kulule, oo u dhaxeeya magaalada Boosaaso iyo aagga Baallde, iyadoo ciidamada ay sidoo kale gacanta ku dhigeen laba nin oo dhalinyaro ah oo la socday gaariga. Sida lagu sheegay war kooban oo ay soo saareen laamaha amniga, raggan ayaa lagu tuhunsan yahay inay si qarsoodi ah u wadeen sahayda, si ay ugu gaarsiiyaan Daacish meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Wararka laga helay gudaha kooxda Daacish ayaa muujinaya in ay ka dhammaadeen keydkii raashinka iyo dawooyinka, taas oo sababtay in ay sahaydo ka dalbadaan magaalada Boosaaso, xilli ay wajahayaan cadaadis xooggan oo kaga imaanaya ciidanka Puntland.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in xubnaha Daacish haatan isugu urureen saddex aag oo kala ah: Il-Abbal, Yucrin, iyo Maraagade, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla togga Baallde, oo 20km u jira magaalada Boosaaso.

Ciidamada Puntland ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan gulufka ka dhanka ah kooxdaasi, si looga ciribtiro dhammaan saldhigyadooda gobolka Bari.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles