Wednesday, August 12, 2026

Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulamo looga hadlayo la dagaalanka Alshabaab ka wada degmada Afmadow

Madaxwweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) oo xalay ku hoyday degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa halkaasi ka billaabaya kulamolagu dardar gelinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu booqdo degaanka Harboole, halkaas oo dhawaan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ay dagaal xoogan kula galeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Jubbaland uu kulamo la qaato Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda duleedka degmada Afmadow, isaga oo kala hadli doona sidii loo dardargelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro degaannada hoostaga degmada Afmadow.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xalay kulan gar ah la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Afmadow iyo sarakiisha Ciidamada eek u sugan, iyaga oo ka wada hadlau sugida amniga degmada iyo sidii la isaga difaaci lahaa weerarada Al-Shabaab.

Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sidoo kale sheegayaan in Madaxweynaha Jubbaland uu dalacsiin doono qaar kamid ah Saraakiisha iyo Ciidamada ku sugan degaanka Harboole, kuwaas oo dhawaan ku jebiyay Al-Shabaab oo dagaal kusoo qaaday.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqeyn lala beegsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabad Sugidda...

Axmed Madoobe oo kulamo siyaasadeed oo muhiim ah ka wada Nairobi

Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa kulan...

DF oo cambaareysay aqoonsiga Kolombiya ee Madax banaanida Israel ee Buuraha Golan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay go’aanka...

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay...

Maamulka KGS oo Guddoomiyaha Baydhabo u Magacaabay Ibraahim Kalaay oo Laftagareen ka soo goostay

Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay, oo dhowaan ka soo goostay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles