Madaxweyne Trump oo warqad u diray madaxwaynaha Eritrea

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa warqad u qoray madaxweynaha Eritrea Isayas Afawarqi, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea Yamane Gabremasaqal.

Sida uu Yamane Gabremasqal ku sheegay qoraal uu soo dhigay bogga X, farriinta Trump ee Madaxweynaha july 30,2025 “Washington waxay doonaysaa inay dib u soo celiso xiriirkii ixtiraamka iyo wax dhisida lahaa ee Asmara”

“Xiriirka ku saleysan runta iyo is ixtiraamka ayaa wanaajin doona fursadaha nabadeed ee bariga Afrika iyo Badda Cas,” ayuu yiri sarkaalka Eritrea.

Sida laga soo xigtay Yemen, Trump wuxuu dib u hagaajin doonaa burburka iyo dhibaatooyinka maamulka Biden uu ku abuuray adduunka.

Intii uu ku sugnaa Aqalka Cad, maamulka Joe Biden waxa uu cunaqabatayn ku soo rogay hay’adaha ammaanka Eritrea iyodhinacyadii ku lugta lahaa dagaalka Tigray.

Dhanka kale, maamulka Donald Trump ayaa xayiraad guud oo dhanka fiisaha ah ku soo rogay Eritrea, oo ay ku jiraan 11 dal oo kale, tan iyo bishii hore, iyagoo ku sababeeyay “walaac dhanka ammaanka ah oo qaranka ah.

Wareysi uu siiyay telefishinka Eritrea 19-kii November, ayuu madaxweyne Isayas ku sheegay in dalkiisa uu doonayo in uu xiriir “saaxiibtinimo” la sameeyo Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadaaladii ugu horeeyay ee lagu wanaajin lahaa xiriirka labada dal ay fashilmeen, islamarkaana shaqada ay sii socon doonto.

Xigasho:- BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles