Tuesday, March 3, 2026

Xukun Dil ah oo lagu Riday Askari ka Tirsanaa Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku dhawaaqday xukun dil ah oo qisaas ah, kaas oo lagu riday Ex-Dable Boolis Bakar Cabdicasiis Maxamed, oo horey uga tirsanaa Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad.

Eedeysanaha ayaa lagu helay dambi ah dil kas ah, kaddib markii uu si bareer ah u toogtay muwaadin muruqmaal ahaa oo lagu magacaabi jiray Marxuum Cali Iskoow Daa’uud. Dilka ayaa dhacay 28-kii bishii June ee sanadkan, agagaarka Masjidka Cali Boolaay ee degmada Waabari. Sida la sheegay, sababta uu u dilay marxuumka waxay ahayd kaliya “Maxaad iisoo fiirisay”.

Isla maalinta uu falka dilka geystay ayuu eedeysanuhu isku dayay inuu baxsado isagoo adeegsanaya mooto Fekon ah, balse waxaa lagu qabtay isla habeenkii degmada Cabdicasiis, kadib hawlgal ay sameeyeen hay’adaha ammaanka.

Baaris dheer oo uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa horseeday in dacwadda la horgeeyo maxkamadda, waxaana si rasmi ah loo oggolaaday qaadista kiiska 27-kii July 2025.

Garsoorka Maxkamadda oo si buuxda u dhegaystay markhaatiyada iyo caddeymaha la horkeenay ayaa ugu dambeyn ku xukumay Ex-Dable Bakar dil toogasho ah, taas oo ah qisaasta marxuumka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xukunka uu yahay mid cadaaladeed oo waafaqsan shareecada iyo xeerarka ciidamada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles