Xukun Dil ah oo lagu Riday Askari ka Tirsanaa Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku dhawaaqday xukun dil ah oo qisaas ah, kaas oo lagu riday Ex-Dable Boolis Bakar Cabdicasiis Maxamed, oo horey uga tirsanaa Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad.

Eedeysanaha ayaa lagu helay dambi ah dil kas ah, kaddib markii uu si bareer ah u toogtay muwaadin muruqmaal ahaa oo lagu magacaabi jiray Marxuum Cali Iskoow Daa’uud. Dilka ayaa dhacay 28-kii bishii June ee sanadkan, agagaarka Masjidka Cali Boolaay ee degmada Waabari. Sida la sheegay, sababta uu u dilay marxuumka waxay ahayd kaliya “Maxaad iisoo fiirisay”.

Isla maalinta uu falka dilka geystay ayuu eedeysanuhu isku dayay inuu baxsado isagoo adeegsanaya mooto Fekon ah, balse waxaa lagu qabtay isla habeenkii degmada Cabdicasiis, kadib hawlgal ay sameeyeen hay’adaha ammaanka.

Baaris dheer oo uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa horseeday in dacwadda la horgeeyo maxkamadda, waxaana si rasmi ah loo oggolaaday qaadista kiiska 27-kii July 2025.

Garsoorka Maxkamadda oo si buuxda u dhegaystay markhaatiyada iyo caddeymaha la horkeenay ayaa ugu dambeyn ku xukumay Ex-Dable Bakar dil toogasho ah, taas oo ah qisaasta marxuumka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xukunka uu yahay mid cadaaladeed oo waafaqsan shareecada iyo xeerarka ciidamada.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles