Koox hubeysan oo weerar ku qaaday Warshadda Birta ee Dayniile

Koox hubeysan ayaa xalay weerar ku bilowday rasaas culus ku qaaday Warshadda Birta ee ku taalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay degganaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, maadaama aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda ama hay’adaha ammaanka.

Warshadda Birta oo ka mid ah dhismayaasha muhiimka ah ee ku yaalla Dayniile, ayaa la sheegay in ay ka barakaceen dadkii shacabka ahaa ee deganaa, kaddib markii ay dowladda la wareegtay dhulkaasi.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Risaala ayaa sheegay in xalay ay ahayd “habeen cabsi badan”, isagoo intaas ku daray:

“Rasaas culus ayaa bilaabatay abaare 3:00 fiidnimo, waxaana dareenay in cabsi badan, dhulka la weeraray waxaa deganaa dad shacab ah oo laga barakiciyay, saaka xaalada way degan tahay.” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles