Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya oo taageertay talaabada gacanta lagu soo dhigay kiis la xiriira maalgelinta argagixisada

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay dadaalka muuqda ee uu qaaday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaas oo lagu baaray in ka badan 250 kiis oo la xiriira lacag-dhaqid iyo maalgelin si toos ah u taageerayay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Tallaabadan muhiimka ah ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyadda dowladda ee lagu burburinayo awoodaha milatari, dhaqaale iyo maskaxeed ee ay kooxda argagixisada ah ku dhisan tahay. Sida lagu sheegay warbixinta rasmiga ah, waxaa la baaray in ka badan 3,500 akoon bangi, iyadoo la xannibay lacag dhan hal milyan oo doolar ($1,000,000), taasoo si cad u muujinaysa guul weyn oo laga gaaray wiiqista halbowlayaasha dhaqaale ee Khawaarijta.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay si gaar ah ugu ammaaneysaa hay’adaha dowladda ee ka shaqeeyay baaritaannadan, kuwaasoo si firfircoon uga qeyb qaadanaya dagaalka guud ee lagu ciribtirayo Khawaarijta. Dadaalladaasi waxay si buuxda u garab taagan yihiin howlgallada geesinimada leh ee ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo laamaha kale ee amniga.

“Dagaalka lagula jiro Khawaarijta ma ahan oo kaliya mid ciidan iyo qori lagu wajahay, ee waa halgan qaran oo dhinacyo badan leh. Dhaqaale ahaan, fikir ahaan iyo bulsho ahaanba waa in lala dagaallamaa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles