Thursday, June 25, 2026

Jubbaland oo Colaada xiisada ka jirtta G/Gedo ku eedaysay Masar iyo Eritrea

Maadaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah dowladaha Qaaradda Afrika inay dano siyaasadeed u hurinayaan colaadda ka aloosan qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in dalalka Masar iyo Eritrea ay dabada ka riixayaan colaadda gobolka Gedo, si ay u gaaraan xuduudka Itoobiya.

”Gobolka Gedo waxaa loo soo wareejiyay aragtida Masar iyo Eritrea iyo marabno in deegaankeena la keeno khilaafaadka dalal kale’, Ayuu yiri Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Dhanka kale Maamulka DFS ugu magacaaban gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Doolow ay muddo 3 cisho ah u qabteen Wasiir Cabdirashiid Janan iyo ciidankiisu inay isaga baxaan Magaalada Beled-xaawo ee gobolkaasi.

“Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa timid Doolow, odayaasha ayey la kulmeen amar ayey bixiyeen ku aadan Xerada UK ee Beled-xaawo iyo madaxda DFS ee halkaas joogta khaasatan Wasiir Cabdirashiid waqti ayey u qabteen 3 beri ah inuu kaga boxo Beled-xaawo taasi oo wax u dhimaysa derisnimada”, Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray,”Shirarka ka dhaca Muqdisho & Addis Ababa waxaa naloo sheegaa wadahadal ayaa socda oo meel fiican ayaa wax marayaan Askartuna waxay rabtay ka samaysaa Soomaaliya, arrintaasi Axmed Madoobena wax tari mayso shacabka Gedana laguma khasbi karo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles