Wednesday, June 24, 2026

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Gedo

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada xasilooni-darrada ah ee weli ka socda Gobolka Gedo, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay hurinayaan xubno qaswadayaal ah oo uu amar siiyay Axmed Madoobe, madaxda Jubbaland.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in xubnahaasi ay ku howlan yihiin abaabul dagaal iyo marin habaabin dadweyne si ay u qariyaan dambiyada ay faraha kula jiraan. Waxaa war-saxaafadeedka lagu xusay in Maxamuud Sayid Aadan uu ka mid yahay shaqsiyaadka horey gacanta ugu lahaa falal amni-darro oo ka dhacay gobolka, isla markaana maalmahan dambe lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay dhaqdhaqaaqyada hadda socda.

Wasaaradda ayaa caddeysay in Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo taageero ka helaya shacabka deegaanka ay howlgallo ka wadaan gobolka, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga, xasiloonida, iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

War-saxaafadeedka ayaa si toos ah digniin ugu diray shaqsiyaadka iyo kooxaha ku hawlan hurinta xiisadaha siyaasadeed iyo amni-darro. Dowladda ayaa sheegtay in dhaqdhaqaaqyadooda lala socdo, isla markaana lala xisaabtami doono haddii ay sii wadaan falkan liddi ku ah dowladnimada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles