Tuesday, April 28, 2026

Wasiir Ku-xigeenka Beeraha Hirshabelle oo booqday Beerta Tijaabada Wasaarada(Sawirro)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle, Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare, ay wehelinayaan qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda, ayaa booqdeen Beerta Tijaabada ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle. Wasiirku aya mid mid u dul istaagay dalagyo bislaaday ee tijaabada abuurka iyo kuwo cusub.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka iyo xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah ee NRC – Norwegian Refugee Council, ayaa dhagax-dhigay xarun beer-abuur (Nursery) oo laga dhex dhisi doono Beerta Tijaabada ee Wasaaradda.

Mashruucani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo cilmi-baarista beeraha iyo kor u qaadista dhaqamada waara ee beeralayda, iyada oo la abuurayo goob lagu tababaro, lagu kori karo abuurka, laguna dhiirrigelinayo hal-abuurka dhanka beerashada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee G/Sanaag

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo...

Soomaaliya “Amniga iyo maareynta baddeena waa arrin muhiim u ah gobolka iyo guud ahaan dunida”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay...

Muddo kordhin loo sameeyay golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka Soomaaliland

Golaha Guurtida Somaliland ayaa goleyaasha wakiillada iyo deegaanka u...

Deni oo shaaciyay in 15-ka May 2026 haddii aan la helin heshiis siyaaasadeed aysan jirin dowlad Soomaaliyeed

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey Magaalada...

Doorashadii Baydhabo oo dib loo dhigay, khilaaf xooggan oo hareeyay hanaanka doorashada KGS

Waxaa dib loo dhigay doorashadii maanta lagu waday inay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles