Jubbaland oo DFS ku eedeysay in ciidanka Qaranka ay adeegsanayso dano Shaqsi ah

Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan  ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Ehelada, Qaraabada, Saaxiibada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Jubaland, geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee Gaashaanle Sare Xuseen Cali Xaashi (Xuseen Giif) iyo Taliye Farxaan Odowaa, kuwaas oo ku geeriyooday dagaalkii lagu soo qaaday Ciidanka Jubaland ee kusgnaa degmada Beledxaawo.

Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa tacsi u diray dhammaan ciidamadii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday dagaalkaas, isagoo dhaawacyadana Alle uga baryay bogsasho degdeg ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid murugo iyo niyad-jab weyn u horseeday shacabka, isagoo si adag u cambaareeyay in ciidamo Soomaaliyeed oo loo dhaariyay difaaca dalka iyo ka hortagga cadawga loo adeegsado dano gaar ah oo wiiqaya nidaamka iyo hay’adaha Jubaland. Wuxuu carabka ku adkeeyay in cid kasta oo ku lug leh falalkan ay wajihi doonto xisaabtan buuxa.

Ugu dambeyn, wuxuu Alle SWT uga baryay inuu Jannada Firdowsa ka waraabiyo dhammaan marxuumiinta, ehelkoodii iyo qaraabadoodiina uu siiyo samir iyo iimaan.

 

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles