Wednesday, June 24, 2026

DFS oo mamnuucday in hub lagu dhex wato gudaha Garbahaarey iyo Wafuud ku wajahan

Magaalada Garbahaarey, xarunta gobolka Gedo, ayaa laga soo saaray amar lagu mamnuucayo in hub lagu dhex wato gudaha magaalada, ciidamo aan ka tirsanayn kuwa rasmiga ah ee amniga suga.

Talaabadan ayaa ku soo aadaysa xili dowladda Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed iyo mid milateri ay ka wado Gobolka Gedo.

Taliyaha Guutada 10-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee gobolka Gedo, Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax, ayaa digniin adag u diray ciidamada iyo dadka hubka sida, isagoo ku sheegay in gebi ahaanba mamnuuc tahay in rasaas lagu rido amar la’aan.

Taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in falalka noocaas ahi ay sababi karaan qalqal amni iyo waxyeelo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaara shacabka, wuxuuna ku booriyay ciidamada inay ilaaliyaan sharciga iyo anshaxa ciidannimo, kana fogaadaan ficillo wiiqi kara kalsoonida shacabka.

Sidoo kale, Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax wuxuu sheegay in cid kasta oo jebisa amarkan ay wajihi doonto tallaabo sharci ah.

Dhanka kale, magaalada Garbahaarey ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro wafti ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha dowladda u qaabilsan gobolka Gedo, Cabdullaahi Shimbir, waxaana socdaalkan lagu sheegay inuu la xiriirayo arrimo amni iyo maamul.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles