Guddoomiyaha Kumeel-gaarka ah ee Baarlamaanka cusub ee Waqooyi-Bari oo la doortay

Maxamuud Salaad Warsame ayaa maanta loo magacaabay Guddoomiyaha Kumeel-gaarka ah ee Baarlamaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya, kadib markii uu kusoo baxay xildhibaanka ugu da’da weyn xubnaha cusub ee golaha.

Xildhibaannada cusub ayaa loo dhaariyay xilka, waxaana sida dastuurku dhigayo lagu wakiishay Maxamuud Salaad Warsame inuu hoggaamiyo kulamada baarlamaanka illaa laga doorto guddoomiye rasmi ah iyo ku-xigeennadiisa.

Doorashada guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay qabsoonto maalmaha soo socda, taas oo ka dibna la guda geli doono doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo dhabbaha u xaaraysa dhismaha hay’adaha rasmiga ah ee maamulka cusub, iyadoo indhaha shacabka iyo beesha caalamkuba ay ku sii jeedaan Laascaanood.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles