Isra’iil oo ansixiyay qorshaha lagu kala qaybinayo Bariga Quddus iyo Daanta Galbeed

Israa’iil ayaa siisay oggolaanshaha kama dambaysta ah ee mashruuca deegaamaynta ee muranka dhaliyay kaas oo gabi ahaanba laba qaybood u kala goyn doona Daanta Galbeed ee haysto iyo Bariga Quddus.

Dhismaha aagga E1 ayaa la hakiyay 20 sano maaddaama uu la kulmay mucaaradad caalami ah oo laga ga soo horjeedo.

Dadka dhalleeceeya ayaa ka digaya in qorshahan uu burburin doono rajo kasta oo laga lahaa dawlad Falastiini ah.

Arbacadii, guddiga wasaaradda gaashaandhigga ayaa ansixiyay qorshe 3,400 guri oo ku yaal aagga E1. Wasiirka maaliyadda ee midigta-fog, Bezalel Smotrich oo daaha ka rogay qorshahan usbuucii hore, ayaa sheegay in fikradda dawlad Falastiin leedahay “la tirtiro.”

Maamulka falastiiniyiinta ayaa cambaareeyay tallaabadaasi, waxayna sheegeen in ay tahay mid sharci darro ah, islamarkaana ay meesha ka saarayso rajadii laga qabay in xalka labada dawladood.

Israa’iil ayaa ilaa 160 deegaan u dhistay 700,000 oo Yuhuud ah tan iyo markii ay qabsatay Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles