Isra’iil oo ansixiyay qorshaha lagu kala qaybinayo Bariga Quddus iyo Daanta Galbeed

Israa’iil ayaa siisay oggolaanshaha kama dambaysta ah ee mashruuca deegaamaynta ee muranka dhaliyay kaas oo gabi ahaanba laba qaybood u kala goyn doona Daanta Galbeed ee haysto iyo Bariga Quddus.

Dhismaha aagga E1 ayaa la hakiyay 20 sano maaddaama uu la kulmay mucaaradad caalami ah oo laga ga soo horjeedo.

Dadka dhalleeceeya ayaa ka digaya in qorshahan uu burburin doono rajo kasta oo laga lahaa dawlad Falastiini ah.

Arbacadii, guddiga wasaaradda gaashaandhigga ayaa ansixiyay qorshe 3,400 guri oo ku yaal aagga E1. Wasiirka maaliyadda ee midigta-fog, Bezalel Smotrich oo daaha ka rogay qorshahan usbuucii hore, ayaa sheegay in fikradda dawlad Falastiin leedahay “la tirtiro.”

Maamulka falastiiniyiinta ayaa cambaareeyay tallaabadaasi, waxayna sheegeen in ay tahay mid sharci darro ah, islamarkaana ay meesha ka saarayso rajadii laga qabay in xalka labada dawladood.

Israa’iil ayaa ilaa 160 deegaan u dhistay 700,000 oo Yuhuud ah tan iyo markii ay qabsatay Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles