Xeer Ilaaliyaha Guud oo mar kale ku qabtay daroogo Garoonka Aadan Cadde

Waxaa maanta magaalada Laascaanood lagu soo gabagabeeyay doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, iyadoo lagu doortay guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee golaha.

Amran Axmed Xasan ayaa ku guuleysatay xilka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka kadib tartan adag oo ay la gashay musharrax Axmed Maxamed Axmed. Amran waxay kasoo jeeddaa gobolka Sanaag, waxaana guusheeda loo arkay mid astaan u ah kaalinta haweenka ee hoggaanka siyaasadeed ee maamulka cusub.

Sidoo kale, Cabdirisaaq Jaamac Warsame ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiye ku-xigeenka labaad, isagoo cod aqlabiyad ah ku helay, maadaama aanu lahayn musharrax la tartama.

Doorashooyinkan ayaa ka sii horeysay doorashadii guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee maamulka Waqooyi Bari oo isla maanta la qabtay, taas oo dhammaystirtay hoggaanka cusub ee baarlamaanka maamulka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles