Guddiga doorashooyinka Qaranka oo Dib u Furay Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta ku dhawaaqay in dib loo furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda, kadib kulan ay yeesheen xubnaha guddiga.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo qodobka 21-aad ee Dastuurka Federaalka KMG ah, isla markaana uu waafaqsan yahay xeerarka dalka. Guddigu waxa uu sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed fursad loo siiyo xaqiijinta xuquuqdooda dastuuriga ah ee ka qeybgalka hanaanka dimuqraadiyadeed.

GMDQS waxa uu shaaciyay:
1. In la furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda muddo laba toddobaad ah, oo ka bilaabanaysa 23 Agoosto ilaa 6-da Sebteembar 2025.
2. Ururradii horey u xirnaa ee aan helin fursad ay isku diiwaangeliyaan wajigii hore ayaa dib loo siiyay waqti kale.
3. Muwaadiniinta Soomaaliyeedna waxay xaq u leeyihiin inay ku biiraan ururrada siyaasadeed ee dalka si ay u xaqiijiyaan xuquuqdooda siyaasadeed iyo dastuuriga.

Go’aankan ayaa imanaya xilli dalka uu isku diyaarinayo doorashooyinka soo socda, iyadoo guddigu tilmaamay in tallaabadan ay qayb ka tahay kobcinta dimuqraadiyadda iyo ballaarinta ka qaybgalka shacabka.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles