Guddiga doorashooyinka Qaranka oo Dib u Furay Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta ku dhawaaqay in dib loo furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda, kadib kulan ay yeesheen xubnaha guddiga.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo qodobka 21-aad ee Dastuurka Federaalka KMG ah, isla markaana uu waafaqsan yahay xeerarka dalka. Guddigu waxa uu sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed fursad loo siiyo xaqiijinta xuquuqdooda dastuuriga ah ee ka qeybgalka hanaanka dimuqraadiyadeed.

GMDQS waxa uu shaaciyay:
1. In la furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda muddo laba toddobaad ah, oo ka bilaabanaysa 23 Agoosto ilaa 6-da Sebteembar 2025.
2. Ururradii horey u xirnaa ee aan helin fursad ay isku diiwaangeliyaan wajigii hore ayaa dib loo siiyay waqti kale.
3. Muwaadiniinta Soomaaliyeedna waxay xaq u leeyihiin inay ku biiraan ururrada siyaasadeed ee dalka si ay u xaqiijiyaan xuquuqdooda siyaasadeed iyo dastuuriga.

Go’aankan ayaa imanaya xilli dalka uu isku diyaarinayo doorashooyinka soo socda, iyadoo guddigu tilmaamay in tallaabadan ay qayb ka tahay kobcinta dimuqraadiyadda iyo ballaarinta ka qaybgalka shacabka.

WARARKII KALE

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

Puntland oo war ka soo saartay xal u helida colaada ka taagan G/Sanaag

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles