Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarigga ka jaray Xarunta La socodka Wax-qabadka Dowlada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xukuumadda DanQaran ku bogaadiyey guulaha iyo wax-qabadka muuqda ee ay xaqiijiyeen sanadkii la soo dhaafay, taasi oo horseeday in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeeg dowladdeed oo hufan iyo xaqiijinta hiigsiga Xukuumadda.

Madaxweynaha, ayaa xariga ka jaray Waaxda la-socodka wax-qabadka hey’adaha dowladda, kaddib munaasabad ka qabsoontay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, oo lagu soo xirayey la-xisaabtanka Xukuumadda DanQaran, taasi oo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, uu ku qiimaynayey wax-qabadka iyo qorshayaasha wasaaradaha wixii ka hirgalay ballanqaadkii ay kala saxiixdeen.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Qaranka la wadaagay in sanadkii dhammaaday Xukuumadda DanQaran, ayaa ku adkeeyey wasaaradaha dowladda in ay ka dhabeeyaan ballanta ay la galeen shacabka Soomaaliyeed, isla xisaabtuna noqon doono mid joogto ah.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si wadajir ah abaalmarinno u guddoonsiiyey qaar ka mid ah Madaxda Wasaaradaha, kuwaas oo ku mutaystay u adeegidda bulshada, hufnaanta iyo wax-qabadkooda.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles