Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarigga ka jaray Xarunta La socodka Wax-qabadka Dowlada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xukuumadda DanQaran ku bogaadiyey guulaha iyo wax-qabadka muuqda ee ay xaqiijiyeen sanadkii la soo dhaafay, taasi oo horseeday in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeeg dowladdeed oo hufan iyo xaqiijinta hiigsiga Xukuumadda.

Madaxweynaha, ayaa xariga ka jaray Waaxda la-socodka wax-qabadka hey’adaha dowladda, kaddib munaasabad ka qabsoontay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, oo lagu soo xirayey la-xisaabtanka Xukuumadda DanQaran, taasi oo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, uu ku qiimaynayey wax-qabadka iyo qorshayaasha wasaaradaha wixii ka hirgalay ballanqaadkii ay kala saxiixdeen.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Qaranka la wadaagay in sanadkii dhammaaday Xukuumadda DanQaran, ayaa ku adkeeyey wasaaradaha dowladda in ay ka dhabeeyaan ballanta ay la galeen shacabka Soomaaliyeed, isla xisaabtuna noqon doono mid joogto ah.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si wadajir ah abaalmarinno u guddoonsiiyey qaar ka mid ah Madaxda Wasaaradaha, kuwaas oo ku mutaystay u adeegidda bulshada, hufnaanta iyo wax-qabadkooda.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles