Qasa oo xaalad adagi ka taagantahay iyo duqeymaha Israa’iil oo sii socda

Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa saacadihii la soo dhaafay si xooggan uga socday magaalada Qasa, gaar ahaan nawaaxiga xaafadaha Jabalia, al-Nazla, al-Sabra, iyo al-Zeitoun, iyadoo weli la dareemayo fal-celinta ku saabsan go’aanka rasmiga ah ee lagu shaaciyey macluul ka jirta marinka Qasa.

Ilo caafimaad ayaa maanta ku dhawaaqay in tirada dadka ku dhintay Marinka Qasa ay gaartay 62,622 tan iyo markii dagaalku bilowday bishii Oktoobar 2023, kuwaas oo intooda badani ay yihiin haween iyo carruur.

Sidoo kale, ilo-wareedyo ayaa u sheegay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA in tirada guud ee dadka waxyeelladu soo gaartay ay gaartay 157,673, halka weli meydad badan ay ku hoos jiraan burburka, kuwaas oo aan wali wax laga qaban karin sababo la xiriira xaalada amaan iyo baahida qalab ee haysta ambalaasyada iyo kooxaha gurmadka rayidka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in 61 qof ay dhinteen, halka 308 kalena ay ku dhaawacmeen 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kuwaas oo la geeyay isbitaalada Qasa.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles