Qasa oo xaalad adagi ka taagantahay iyo duqeymaha Israa’iil oo sii socda

Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa saacadihii la soo dhaafay si xooggan uga socday magaalada Qasa, gaar ahaan nawaaxiga xaafadaha Jabalia, al-Nazla, al-Sabra, iyo al-Zeitoun, iyadoo weli la dareemayo fal-celinta ku saabsan go’aanka rasmiga ah ee lagu shaaciyey macluul ka jirta marinka Qasa.

Ilo caafimaad ayaa maanta ku dhawaaqay in tirada dadka ku dhintay Marinka Qasa ay gaartay 62,622 tan iyo markii dagaalku bilowday bishii Oktoobar 2023, kuwaas oo intooda badani ay yihiin haween iyo carruur.

Sidoo kale, ilo-wareedyo ayaa u sheegay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA in tirada guud ee dadka waxyeelladu soo gaartay ay gaartay 157,673, halka weli meydad badan ay ku hoos jiraan burburka, kuwaas oo aan wali wax laga qaban karin sababo la xiriira xaalada amaan iyo baahida qalab ee haysta ambalaasyada iyo kooxaha gurmadka rayidka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in 61 qof ay dhinteen, halka 308 kalena ay ku dhaawacmeen 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kuwaas oo la geeyay isbitaalada Qasa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles