Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha, halkaas oo uu kaga qayb geli doono Shirka 7aad ee China–Arab States Expo, oo lagu qabanayo magaalada Yinchuan ee gobolka Ningxia.

Shirka oo ah madal caalami ah ayaa lagu soo bandhigayaa fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tiknoolojiyadda iyo tamarta, waxaana uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalalka ka qayb galaya, gaar ahaan Soomaaliya oo dooneysa in ay xoojiso xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Shiinaha iyo waddamada Carabta.

Inta uu ku sugan yahay dalka Shiinaha, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda ka qeyb galaysa shirka, iyo sidoo kale mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Shiinaha.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah, loona abuuri lahaa fursado cusub oo ku saabsan maalgashi, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles