Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha, halkaas oo uu kaga qayb geli doono Shirka 7aad ee China–Arab States Expo, oo lagu qabanayo magaalada Yinchuan ee gobolka Ningxia.

Shirka oo ah madal caalami ah ayaa lagu soo bandhigayaa fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tiknoolojiyadda iyo tamarta, waxaana uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalalka ka qayb galaya, gaar ahaan Soomaaliya oo dooneysa in ay xoojiso xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Shiinaha iyo waddamada Carabta.

Inta uu ku sugan yahay dalka Shiinaha, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda ka qeyb galaysa shirka, iyo sidoo kale mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Shiinaha.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah, loona abuuri lahaa fursado cusub oo ku saabsan maalgashi, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles