Wednesday, April 29, 2026

Maxay ka wadahadleen MW Xasan Sheekh iyo Wasiiru dowlaha arrimaha dibada ee Imaaraadka?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Sheekh Shakhboot bin Nahyan.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotodadheer ee ka dhexeeya labada dal, iyada oo si gaar ah loo eegay dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa intii kulanka lagu gudajiray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay dhambaal khaas ah oo uu uga siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, H.H. Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Wasiiru-Dowlaha booqashadiisa iyo garab-istaagga aya shacabka iyo Dowladda Imaaraadku u muujiyeen walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo dhankiisa farriin gaar ah u gudbiyay Madaxwayne Maxamed bin Zayed Al Nahyan, isaga oo adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Imaaraadka Carabta, isla markaana tilmaamay dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga, dimuqraadiyeynta iyo horumarka dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee G/Sanaag

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo...

Soomaaliya “Amniga iyo maareynta baddeena waa arrin muhiim u ah gobolka iyo guud ahaan dunida”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay...

Muddo kordhin loo sameeyay golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka Soomaaliland

Golaha Guurtida Somaliland ayaa goleyaasha wakiillada iyo deegaanka u...

Deni oo shaaciyay in 15-ka May 2026 haddii aan la helin heshiis siyaaasadeed aysan jirin dowlad Soomaaliyeed

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey Magaalada...

Doorashadii Baydhabo oo dib loo dhigay, khilaaf xooggan oo hareeyay hanaanka doorashada KGS

Waxaa dib loo dhigay doorashadii maanta lagu waday inay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles