Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ukraine ayaa mar kale la kulantay weerar culus oo dhanka cirka ah oo uu soo qaaday Ruushka iyadoo caasimadda Kyiv laga soo sheegayo in lagu duqeeyay gantaalaha ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Madaxa maamulka militariga ee magaalada (Timur Tkachenko) ayaa sheegay in in ka badan labaatan goobood uu soo gaaray burbur.

Dhisme ka kooban shan dabaq ayaa dumay ka dib markii si toos ah loo weeraray, waxaana socda gurmad dadka looga soo saarayo burburka hoostiisa.

Dab ayaa sidoo kale ka kacay dhismo shan iyo labaatan dabaq ah, waxaana lagu soo waramayaa in uu dab qabsaday mid ka mid ah xarumaha xanaanada caruurta

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in afar qof ay ku dhinteen siddeed iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay waxaa ku jirtay gabar afar iyo toban jir ah.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles