Wednesday, April 29, 2026

RW Xamsa “Soomaaliya waxay rabtaa in ay noqoto xarun muhiim ah oo isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay furitaanka Bandhigga 7aad ee Carabta iyo Shiinaha (China-Arab States Expo) ee lagu qabtay magaalada Yinchuan, ayaa soo bandhigay horumarka iyo fursadaha dalkeenna ka jira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay qaadday waddo cusub oo horumarineed, taas oo diiradda lagu saarayo nabadda, amniga, dib-u-habeynta sharciyada, iyo dhiirrigelinta maalgashiga.

“Soomaaliya waxay rabtaa in ay noqoto xarun muhiim ah oo isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya, iyada oo ka faa’iideysaneysa kheyraadkeeda maadaama ay goob istiraatiiji ah dunida kaga taallo. Waxaana xoogga saareynaa iskaashiga dhinacyada tamarta, beeraha, kalluumeysiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ganacsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha uu yahay mid xoogeysanaya, iyada oo uu kor u kacay 20% sanadkii la soo dhaafay ganacsiga labada dal.

Mudane Xamsa ayaa xusay in xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, uu yahay mid soo jireen ah isla markaana ay Soomaaliya tahay dalkii ugu horreeyay Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha sanadkii 1960.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee G/Sanaag

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo...

Soomaaliya “Amniga iyo maareynta baddeena waa arrin muhiim u ah gobolka iyo guud ahaan dunida”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay...

Muddo kordhin loo sameeyay golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka Soomaaliland

Golaha Guurtida Somaliland ayaa goleyaasha wakiillada iyo deegaanka u...

Deni oo shaaciyay in 15-ka May 2026 haddii aan la helin heshiis siyaaasadeed aysan jirin dowlad Soomaaliyeed

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey Magaalada...

Doorashadii Baydhabo oo dib loo dhigay, khilaaf xooggan oo hareeyay hanaanka doorashada KGS

Waxaa dib loo dhigay doorashadii maanta lagu waday inay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles