Tuesday, July 7, 2026

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafadda Qaranka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka,waxaana kulanka shir guddoomineysay guddoomiye kuxieenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn habdhowraha golaba shacabka ee baarlamaanka Dalka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay wasiiru dowlaha cusub ee wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Siciid Maxamed Maxamuud Xayd oo dhowaan xilkaasi loo magacaabay.

guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xaawo Sokor Cali ayaa xildhibaanada u faahfaahisay warbixinta akhrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka oo laba akhrin oo hore soo maray.

Intaasi ka dib xildhibaanadda golaha shacabka oo cod u qaaday hindise sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka ayaa waxaa haa ku ogolaatay 135-Xildhibaan hal xildhibaan ayaa diiday afar xildhibaanna waa ay ka aamustay sida ay sheegtay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo natiijada codeynta ku dhowaaqday.

Wasiirka wasaaradda arrimaha qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Bashiir Maxamed Jaamac iyo guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xaawo Sokor Cali ayaa xildhibaanadda golaha shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedkan.

Ugu dambeyn Xildhibaanadda golaha shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ayaa maanta waxaa loo qeybiyay akhrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedkan xeerka shaqada Soomaaliya.

WARARKII KALE

 Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS oo waddo cusub ka dhagax dhigay Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

26 qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay xabsi ku yaal Sri Lanka

Rabshado ka socday labo maalmood xabsiga Negombo, oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh”Dadka Soomaaliyeed waxay direen fariin doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles