Wednesday, August 19, 2026

Madasha Samatabixinta: “Doorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis leh”

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ugu hadleen xaalada siyaasadeed uu xiligan marayo dalka.

Qoraal ayaa waxaa ;agu yiri “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, iyadoo ka duuleysa xaaladda siyaasadeed, amni, iyo midda dastuuriga ah ee uu dalku wajahayo, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31 Agoosto 2025 iclaamisay Shir deg deg ah oo ay isugu imaan doonaan dhammaan xubnaha madasha, si loo badbaadiyo mustaqbalka dalka lagana hortago qalalaasaha ka sii dareysa.”

Go’aankan wuxuu yimid kadib kulan laba maalmood socday oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay madashu kaga arrinsatay:

  • Dagaalka dowladda ay ku waddo gobolladii laga xoreeyay Al-Shabaab iyadoo loo adeegsanayo awood ciidan oo aan sharciyad buuxda lahayn.
  • Faragelinta hanaanka doorashooyinka, iyo isku dayga wax-ka-beddelka Dastuurka iyadoo aan heshiis qaran laga gaarin.
  • Barakicinta danyarta, xarig sharci darro ah, iyo caburinta dadka u ololeeya xorriyadda hadalka iyo kala aragti-duwanaanta.
  • Khilaafaadka siyaasadeed ee khatarta ku ah midnimada dalka iyo wadajirka dowlad-goboleedyada.

Madashu waxay si gaar ah uga digtay tallaabo kasta oo lagu carqaladeynayo doorasho xor ah oo xilligeeda ku dhacda, waxayna si cad u diidday wax kasta oo keeni kara muddo kororsi aan sharci ahayn.

  1. In la helo xal siyaasadeed oo deg deg ah oo lagu badbaadinayo hannaanka dimuqraadiga ee dalka.
  2. In si qaran ah looga tashado arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo wadajirka federaalka.
  3. In la diyaariyo mowqif mideysan oo looga hortago ficillada lidka ku ah dowladnimada iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

Shirka waxaa lagu casuumayaa dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, bulshada rayidka ah, culimada, ganacsatada, haweenka, dhalinyarada, iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera dowladnimada Soomaaliya.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay mar kale ku celinaysaa ballanqaadkeeda ku aaddan difaaca dastuurka, ilaalinta dimuqraadiyadda, iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles