Wednesday, September 10, 2025

Dowladdaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay dhinacyada la xiriira Isku xirka Badda

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa kulan la yeeshay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Adeegyada Saadka ee Boqortooyada Sucuudiga Mudane Dr. Rumaih Al-Rumaih, intii lagu guda jiray Shirweynihii labaad ee Gaadiidka Badda.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, gaar ahaan dhinacyada la xiriira isku xirka badda, adeegyada saadka iyo fursadaha horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshayaasha iyo mashaariicda waaweyn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta dekedaha dalka, dhismaha aag dhaqaale iyo casriyeynta kaabeyaasha gaadiidka, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta isku xirka ganacsi ee gobolka.

Labada dal ayaa isla qiray muhiimada iskaashi istaraatijiyadeed oo waara, kaas oo gacan ka geysan kara xoojinta xiriirka dhaqaale iyo horumarka gobolka guud ahaan.

WARARKII KALE

Wasiir hore Cabdullaahi Carab oo si adag uga horyimid iibinta dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Haji...

Maxay ka wadahadleen MW Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed

Maalin kaddib markii ay Itoobiya si rasmi ah xarigga...

Militeriga Soomaaliya oo dayac tir ku sameeyay Buundada Bariiri iyo Taliye Sahal oo tagay deegaanka

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddo kooban ku guuleystay...

Trump iyo Xamaas oo ka wadahadlay weerarkii ay Israaiil ku qaaday Qatar

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan “ku faraxsanayn”...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay shir looga hadlayey maalgelinta howlgalka AUSSOM

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Guba ee...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 09/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles