Wasiir Roobow oo sheegay in dhaqan xumada kusoo badaneysa Muqdisho ay wadaan dowladdo Shisheeye

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa ka hadlay xaaladda anshaxa iyo dhaqanka ee caasimadda Muqdisho, isagoo si adag uga digay dhaqan-xumooyin cusub oo uu sheegay in aysan horay uga jirin magaalada.

Wasiir Roobow ayaa sheegay in dhaqamadaas xunxun ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, isagoo tilmaamay in laga yaabo in ay jiraan dowlado shisheeye oo si dadban uga dambeeya faafinta dhaqamadaas.

“Dhaqan xumo daran ayaa ka jirta Muqdisho oo aan horay uga jirin, waxaana laga yaabaa in Dowlado ay wadaan,” ayuu yiri Wasiirka.

Sheekh Roobow ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan waalidiinta, culimada, iyo hay’adaha dowladda, in ay iska kaashadaan badbaadinta akhlaaqda bulshada iyo ilaalinta qiyamka diinta Islaamka.

Wuxuu sidoo kale xusay in Wasaaradda Diinta ay qaadayso tallaabooyin wacyigelin ah oo lagu horjoogsanayo dhaqan-xumadaas, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la dhowro diinta, dhaqanka suuban iyo hannaanka suuban ee Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles