Wednesday, September 10, 2025

Xildhibaanno Mucaarad ah oo Ku Baaqay in Si Degdeg ah Loo Furo Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka

Qaar ka mid ah Xildhibaanada mucaaradka ee ka tirsan Golaha Samata-bixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta war-saxaafadeed ka soo saaray xirnaanshaha kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay waajib dastuuri ah tahay in kalfadhiga Golaha Shacabka si dhaqso leh loo furo, iyaga oo xusay in jadwalkii hore ee furitaanka kalfadhiga uu ku beegnaa 22-kii bishii August 2025, balse uu dib u dhacay sababo siyaasadeed.

War-saxaafadeedka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in dib-u-dhacyada joogtada ah ee ku yimid howlaha Baarlamaanka ay sabab u tahay fashilka Guddoonka Golaha Shacabka, isla markaana ay wiiqeen shaqadii dastuuriga ahayd ee xildhibaanada.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo furo kalfadhiga 7-aad, si Baarlamaanka u guto waajibaadkiisa ku aaddan sharci-dejinta, kormeerka iyo xil gudashada shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan.

Xildhibaanada ku mideysan Golaha Samata-bixinta ayaa sidoo kale ku eedeeyay hoggaanka Baarlamaanka iyo madaxda dowladda in ay si ula kac ah dib u dhigeen kalfadhiga, taas oo ay ku sheegeen inay qayb ka tahay siyaasadda xayiraadda iyo loollanka gudaha.

 

WARARKII KALE

Wasiir hore Cabdullaahi Carab oo si adag uga horyimid iibinta dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Haji...

Maxay ka wadahadleen MW Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed

Maalin kaddib markii ay Itoobiya si rasmi ah xarigga...

Militeriga Soomaaliya oo dayac tir ku sameeyay Buundada Bariiri iyo Taliye Sahal oo tagay deegaanka

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddo kooban ku guuleystay...

Trump iyo Xamaas oo ka wadahadlay weerarkii ay Israaiil ku qaaday Qatar

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan “ku faraxsanayn”...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay shir looga hadlayey maalgelinta howlgalka AUSSOM

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Guba ee...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 09/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles