Puntland oo iska fogeysay in ay ku lug leedahay Nin lagu dilay Hargeysa

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland ee (PISA) oo warsaxaafadeed kooban soo saartay ayaa beenisay warar ku saabsan in ay ka danbaysay dilka muwaaddin Reer Somaliland ah oo ku dhintay magaalada Hargeysa.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Dowladda Puntland waxay beeninaysaa wararka maanta lagu faafiyey baraha bulshada, ee lagu sheegay in muwaadin reer Somaliland ah oo ku dhintay Hargeysa ay ka dambaysay Hay’addu” ayuu u qornaa Warsaxaafeedka ka soo baxay Hay’adda PISA.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dowladda Puntland, waxay caddaysay in aysan ka shaqayn khaarijinta iyo dilalka qorshaysan, kaddib markii baraha bulshada uu ku faafay war been-abuur ah oo sheegaya in PISA dishay marxuun Axmed Caddib oo ku dhintay magaalada Hargeysa, islamarkaana aan faahfaahin laga bixin sababta geeridiisa.

“Hay’adaha amniga ee Dowladda Puntland kama shaqeeyaan khaarajin iyo dilal qorshaysan. Taas beddelkeeda, waxay wada-shaqeyn dhow la leeyihiin hay’adaha amniga ee mandaqadda, oo ay ku jirto Somaliland. Sidaas darteed, ma jirto sabab ku kallifaysa xadgudub shaqsi ama mid maamul toona” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedkan.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles