Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa uuna ka qayb-geli doonaa shirka 2-aad cimilada ee Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa waxa uu sidoo kale kulamo doceedyo la qaadan doonaa madaxda kala duwan ee Afrika oo ka qeyb ah shirka cimilada Afrika ee halkaas ka qabsoomaya.
Sidoo kala madaxweynaha ayaa hadal ka soo jeedin doono shirweynaha warbixino ku saabsan xaaladaha Deegaanka iyo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada Soomaaliya, waxaana sidoo kale madaxweynaha uu la yeelan doontaa kulamo gaar gaar ah madaxda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku howlan Deegaanka iyo wax ka qabashada isbeddelka Cimilada ee ka qeyb galaya shirka.
Socdaalkan ayaa ku soo aadaya xili RW Itoobiya uu qorsheynayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qeyb galo furitaanka biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysatay Wabiga Nile, kaasi oo si adag uga soo horjeedo dowladda Masar.
Masar ayaa biyo-xireenka ay Itoobiya fureyso u aragta halis ka dhan ah danaha qarankeeda.