Wednesday, September 10, 2025

Garowe oo looga dabbaal-degay biyo-xidheenka Itoobiya

Munaasibad ka dhacday xarunta qunsiliyadda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Garowe ee maamul-goboleedka Puntland ayaa looga dabbaal-degay furitaanka biyo-xidheenka Itoobiya oo la filayo in maalinta berri ah la daah-furo.

Wasiirro ka tirsan maamulkaasi oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada arrimaha gudaha iyo warfaafinta iyo marti-sharaf kale ayaa ka qayb galay munaasibadaasi.

Goobtaas waxa hadal ka jeediyay qunsulka Dawladda Itoobiya ee fadhigiiu yahay Garowe, Yidnekachew Tekle. Waxaanu sheegay in dhankooda ay xoojinayaan xidhiidhka ka dhaxeeya Itoobiya iyo Puntland.

Itoobiya ayaa martigelinaysa hoggaamiyayaal caalamka ka socda oo la filayo in ay ka qaybgalayaan daah-furka biyo-xidheenka ugu weyn Afriak ee koronto laga dhaliyo.

WARARKII KALE

Wasiir hore Cabdullaahi Carab oo si adag uga horyimid iibinta dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Haji...

Maxay ka wadahadleen MW Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed

Maalin kaddib markii ay Itoobiya si rasmi ah xarigga...

Militeriga Soomaaliya oo dayac tir ku sameeyay Buundada Bariiri iyo Taliye Sahal oo tagay deegaanka

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddo kooban ku guuleystay...

Trump iyo Xamaas oo ka wadahadlay weerarkii ay Israaiil ku qaaday Qatar

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan “ku faraxsanayn”...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay shir looga hadlayey maalgelinta howlgalka AUSSOM

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Guba ee...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 09/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles