𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐐𝐨𝐲𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪𝐮𝐥 𝐈𝐧𝐬𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐑𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐋𝐚 𝐘𝐞𝐞𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐔𝐍𝐈𝐂𝐄𝐅

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabishay wafdi sare oo ka socday Hay’ada UNICEF, oo ay hoggaaminaysay madaxa hay’adaha ee Soomaaliya, Ms Sandra Lattouf.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa Wasaaradda iyo hay’ada UNICEF, gaar ahaan dhinacyada la xiriira ilaalinta xuquuqda carruurta, horumarinta adeegyada bulshada, iyo taageeridda barnaamijyada muhiimka ah ee wax ka taraya bulshada Soomaaliyeed.

Intii uu socday kulanka, Wakiilka UNICEF ayaa muujisay sida hay’addu uga go’an tahay taageeridda himilada iyo qorshayaasha Wasaaradda, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo arrimaha mudnaanta u leh qorshaha horumarinta ee Wasaaradda, si loo gaaro natiijooyin waxtar leh oo la taaban karo.

Wasiir Amb Khadija Mohamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahad celisay hay’ada UNICEF Shaqada wanaagsan ee ay la garab taagan yihiin bulshada inteeda nugul, iyadoo carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay iskaashi miro dhal ah oo lagu xoojinayo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda

Carruurta.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles