Dibadbaxyo rabshada wata oo lagaga soo horjeedo siyaasadaha dhaqaale ee madaxweyne Emanuel Macron, ayaa hareeyey guud ahaan dalka Faransiiska.
Dibedbaxyadan oo ay hormuud ka yihiin ururrada shaqaalaha oo ka gedoodsan wax-ka-beddel lagu sameeyey xeerarka shaqada iyo daryeelka bulshada, ayaa ku soo beegmay xilli Ra’isul Wasaare cusub uu xilka la wareegey, kaddib markii horraantii todobaadkan kalsoonida lagala noqday xukuumaddii talada haysay.
Dibad-baxayaashu waxay xidheen waddooyinka, waxayna dab qabadsiiyeen goobo dhowr ah, iyaga oo carqaladeeyay kaabayaasha dhaqaalaha iyo iskuullada dalka oo dhan.
Ku dhawaad 250 qof ayaa la xidhay subaxnimadii hore ee shalay, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xilka laga tuuray Bruno Retailleau.