Monday, August 17, 2026

RW Kuxigeenka Soomaaliyaโ€Muqdisho oo noqotay midda ugu nabdoon tobankii sano ee ugu dambeeyayโ€

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay maanta ka nabdoon tahay sidii ay ahayd tobankii sano ee ugu dambeeyay, inkastoo weli ciidamada ammaanka ay dagaal kula jiraan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Isagoo wareysi siiyay wakaaladda wararka Anadolu ayuu sheegay in dhacdooyinka amni-darrada ee dalka si weyn hoos ugu dhacay, isla markaana ammaanka Muqdisho si muuqda u soo hagaagay, xilli weli dagaal lagula jiro Al-Shabaab.

โ€œCaqligu wuu cad yahay. Ciidamada qalabka sida iyo hayโ€™adaha kala duwan ee amniga, oo la shaqeynaya saaxiibbada caalamiga ah โ€“ sida Mareykanka, Turkiga, Midowga Afrika iyo kuwo kaleย  waxa ay si joogto ah u hagaajinayaan amniga dalka. Shacabka Soomaaliyeedna waxa ay muujiyeen adkaysi iyo geesinimo weyn oo ay kaga hortagayaan mid ka mid ah kooxaha argagixiso ee ugu khatarta badan caalamka,โ€ ayuu yiri Jaamac.

Wuxuu xusay in nidaamka doorashada qof iyo cod uu yahay hadaf muddo dheer ay shacabka Soomaaliyeed ku taamayeen, ayna ka mid ahayd mudnaanta koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu xilka qabtay, si loo dardargeliyo hanaanka dimoqraadiyadda dalka.

โ€œHaddii aan saldhigyo dowladeed oo adag la dhisin, waa adag tahay in la soo jiito maalgelinta shisheeye, sidoo kale waa adag tahay in sawirka dalka dibadda laga beddelo. Siyaasaddu waa tiirka aasaaska ah ee aan mustaqbalka ku dhisi doono,โ€ ayuu yiri.

โ€œHaddaba, โ€˜qof iyo codโ€™ ma ahan riyo keliya ee waa geeddi-socod socda, waa riyo iyo rabitaan ay shacabka Soomaaliyeed leeyihiin si ay u doortaan cidda ay doonayaan inay xilal dawladeed u dhiibtaan,โ€ ayuu raaciyay.

Soomaaliya oo isbeddel weyn gashay tobankii sano ee ugu dambeeyay

Jaamac wuxuu sheegay in isbeddel weyn laga dareemayo dhismaha guryaha, dhaqaalaha, amniga iyo xiriirka Soomaaliya ee caalamka.

โ€œXagga dhaqaalaha iyo xiriirka siyaasadeed ee caalamiga ah wax badan ayaa is beddelay. Qaabka Soomaaliya iyo sida dunidu u aragto ayaa si weyn isu beddelay tobankii sano ee ugu dambeeyay,โ€ ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in tirada guryaha, waddooyinka, dhismayaasha cusub iyo suuqyada la dhisayo ay markhaati ka yihiin amniga iyo xasilloonida soo hagaagay.

Wuxuu intaas ku daray in federaalka uu dalka ka hana qaaday, isla markaana meelaha ka baxsan Muqdisho laga arki karo horumar muuqda oo ku saabsan nolol maalmeedka dadka. โ€œIsbeddelkan waa natiijo ka dhalatay maamulka wanaagsan,โ€ ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray in Soomaaliya weli aysan ka xorayn caqabadaha, iyadoo Al-Shabaab aan weli si buuxda loo dabar-goyn inkastoo dadaallo xooggan la sameeyay.

Dalka waxaa weli saameeya dhibaatooyin biniโ€™aadannimo, sida abaarta iyo isbeddelka cimilada oo bulshada nugul aad u taabanaya, balse wuxuu xusay in dadka iyo hayโ€™adaha Soomaaliyeed ay sii adkaanayaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles