Tuesday, August 18, 2026

Madaxweynahe Xasan Sheekh oo Ku soo Bandhigay Shirka Islaamka dalalka Carabta Mowqifka Somalia Ee Ka Dhanka ah Xadgudubyada Yuhuuda Ee Dalalalka carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar kaas oo looga hadlayey weerarkii Israaโ€™iil ay ku qaaday dalkaas.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u barbar taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, xilligan adag, isagoo muujiyey in weerarkan uu yahay xadgudub lagu sameeyey dhammaan dalalka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo adkeeyey muhiimadda midnimada iyo iskaashiga dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa dul istaagay mowqifka taariikhiga ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku garab-taagan yihiin walaalahooda Falastiin oo la dhibaataysan gumaadka iyo gumaysiga ay ku hayaan Yuhuuddu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin mideysan oo lagu xaqiijinayo hirgelinta dowladda Falastiin ee caasimaddeedu tahay Qudus, waxa uuna soo bandhigay in loo baahan yahay in la dhaqangeliyo mabaadiโ€™da sharciga caalamiga ah iyo goโ€™aannadii Qaramada Midoobay, si loo joojiyo falalka gardarrada ah ee Israaโ€™iil, loona ilaaliyo xasilloonida gobolka.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles