Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee dowladii Farmaajo, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inay ka dambeeyeen duqeyntii ka dhacday deegaanka Jiicaanyo ee gobolka Sanaag, taas oo lagu dilay nabaddoon Cumar Cabdullaahi Cabdi.
Qoraal uu Wasiirku bartiisa X ku qoray Cabdisaciid ayaa ku faahfaahiyay xogta weerarka iyo xogta la helay inay tilmaamaayaan in weerarka ay fulisay diyaarad Drone ah oo ka mida kuwa Imaaraadka ee ku sugan magaalada Boosaaso.
Wuxuu inaas ku daray in goobjoogayaal ay xaqiijiyeen in laba ilaa saddex gantaal lagu dhuftay gaariga uu watay Caaqilka, balse ilaa hadda cid masuuliyadda weerarkaasi sheegatay aysan jirin.
Wasiirka hore wuxuu tilmaamay in burbur laga helay goobta weerarku ka dhacay lagu arkay calaamado Ingiriisi ah oo u qornaa “2 MAN LIFT / WT 52.0 K”, kuwaas oo caadi ahaan lagu isticmaalo qaybaha diyaaradaha ama diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone), balse aan lagu qorin madaafiicda. Wuxuu intaas ku daray in qeybta la helay ay tahay qayb ka mida garabka diyaaradda aan duuliyaha lahayn.
Cabdisaciid ayaa xusay in Imaaraadka Carabta (UAE) uu saldhig ciidan ku leeyahay Boosaaso, Puntland, halkaas oo warbixino madax-bannaan iyo sawirro laga diyaariyay ay muujinayaan inuu ku rakibtay Qalab Raadaar ah oo taageera howlgalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Diyaaradda la tuhunsan yahay ee tilmaamahan buuxin karta, ayuu wsiiru kuu sheegay inay tahay nooca Shiinuhu farsameeyo ee Wing Loong II, taas oo qaadi karta gantaallada saxda ah ee Blue Arrow-7 oo miisaankoodu gaarayo qiyaastii 46–47 kiilo, isla markaana la og yahay in dowladu Imaaraadku ku isticmaashay goobo kale oo ay ku lug leedahay oo dagaalo ka socdaan.
Wasiir Cabdisaciid wuxuu ku adkeystay in AFRICOM (ciidanka Mareykanka ee Afrika) ay si rasmi ah u shaaciyaan duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya, isla markaana uu dhawaan baahiyay warar ku saabsan duqeymo ka dhacay Puntland, laakiin uusan jirin wax bayaan ah oo ka soo baxay AFRICOM oo ku saabsan weerarka Jiicaanyo ka dhacay.
Waxaa kale oo uu xusay in toddobaadyo ka hor Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu kulan la qaatay odayaasha Sanaag, Haylaan iyo Bari si ay uga wada hadlaan arrimaha amniga iyo awood qeybsiga. Warar la faafay ayaa tilmaamaya, sida uu sheegay, in Abu Dhabi aysan ku faraxsanayn mowqifka odayaasha ee ku saabsan maamulka kheyraadka gobolka Sanaag, halkaas oo danaha Imaaraadku hore loogu sheegay.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid weerarka ku tilmaamay inuusan ahayn markii ugu horreysay ee hawlgallada Imaaraadka lagu eedeeyo beegsiga dadka shacabka, isagoo tusaale u soo qaatay kiisas hore oo ka dhacay Puntland, Yemen iyo meelo kale, taas oo sii kordhisa walaaca marka weerarro noocan oo kale ah aysan cidina sheegan.
Wuxuu kusoo qoraalkiisa kusoo gunaanaday, in marka la isku daro caddeymaha ku saabsan qaybta diyaaradeed ee la helay, joogitaanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Imaaraadka u fadhiya Boosaaso, awoodda iyo gantaallada loo adeegsado, iyo aamusnaanta Maraykanka, ay u muuqato in diyaaradda Wing Loong II ee Imaaraadku leeyahay ee ku sugan Boosaaso ay tahay tan ugu dhow ee weerarkan fuliyay.
Cabdisaciid Muuse Cali wuxuu ugu baaqay in dadka Sanaag ay helaan caddaalad, baaritaan madax-bannaan iyo hufnaan buuxda, si loo ogaado cidda weerarkan fulisay isla markaana loo helo isla xisaabtan cad.