Monday, March 2, 2026

Mareykanka oo xaqiijisay in Nin hubka u iibiya Al-shabaab ay ku dileen duqeyn ka dhacday Sanaag

Mareykanka ayaa ugu danbeyn si cad u qirtay inuu ka banbeeyay duqeyntii ka dhacday degaanka Jiicanyo, degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, Duqeyntaasi ayaa lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo ka mid ahaa odayaasha Gobolka Sanaag.

Sida ku cad qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamad Mareykanka ee Afrika, waxay Milatariga Mareykanka goor dhow xaqiijiyeenin duqeyntaasi oo dhacday 13-kii bishan ay ka fuliyeen agagaarka degmada Badhan ee waqooyi bari Soomaaliya, iyagoo ku beegsaday nin ay sheegeen Al-Shabaab u qaabilsanaa iibka Hubka.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay inay duqeynta la kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Duqeyntii lagu khaarijiyay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi waxaa si cad hadda u sheegatay dowladda Mareykanka, iyadoo ku eedeysay Nabadoonka inuu hubka u iibin jiray Alshabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland oo arrintan ku saabsan, waxaana hadda la sugayaa xaqiiqada inuu Nabadoonka la shaqeyn jiray AS iyo in kale.

Ma cadda cidda xogta siisay Mareykanka ee ku hoggaamisay fulinta duqeynta oo si gaara loola beegsaday hal shaqsi, xogta ku xeeran nabaddoonka la dilay iyo faahfaahinta howlgalkan, balse waxaa muuqata inay dhalin doonto dood culus oo ku saabsana duqeymaha Mareykanka iyo dalalka kale ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

Dowlada Federalka ayaa looga fadhiyaa inay Beesha Sanaag iyo dadka uu ka dhintay Nabadoonka u caddeyso sida wax u dhaceen iyo haddii si khalad ah falkaasi loo fuliyay.

Xaqiijinta Mareykanka ayaa imaaneysa maalmo kadib markii ay dhacday duqeyntan oo muran badan dhalisay, iyadoo ay ka gaabsadeen Maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka, dhinacyo kal duwan ayaana ku eedeeyay Imaaraadka Carabta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Jubbaland iyo Puntland oo u yeertay xildhibaanada ku matala BFS

Madaxweynayaasha Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa wadatashi ugu yeertay...

Magacyada Saraakiishii ugu sareysay Iran ee la dilay

Tiro ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee Iiraan ayaa...

Taliyaha ciidamada xoogga oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Talyaaniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Ciidamada Amniga oo qabtay nin miino ku aasi rabay Marka

Ciidamada ammaanka ee Degmada Marka ayaa gacanta ku dhigay...

Hoggaamiyihii Iran oo duqeyn lagu dilay

Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyihii Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles