Tuesday, September 23, 2025

Ciidamada Xoogga oo ka hortagay weerar ay Al-shabaab ku qaadi rabeen Diinsoor

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyaadka Al-shabaab damacsanaayeen inay ka geystaan degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kadib howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka.

Inta lagu guda jiray howlgalka, ciidamada ayaa burburiyey saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen duleedka degmada Diinsoor, waxayna ka saareen miinooyin ay kooxdaasi ku aaseen wadooyinka gala magaalada. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in howlgallada ay yihiin kuwo joogto ah oo lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah ee ka howlgalaya gobolka Baay.

Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyey in howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab ay ka socdaan deegaano kale oo hoos taga maamul-goboleedka, si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo xoraynta dhulka weli ku harsan gacanta kooxda.

Dhinaca kale, ciidanka dowladda Federaalka ayaa howlgal kale ka sameeyey deegaano hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku burburiyeen xarumo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Saraakiisha ammaanka ayaa xusay in howlgalada socda ee ka socda gobollada kala duwan ee dalka ay qeyb ka yihiin dadaallada dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada lagu doonayo in dalka looga xoreeyo argagixisada si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo horumar waara.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 22/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixanaya Heshiiska Iskaashiga difaaca

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil...

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Saraakiil sare oo Mareykan ah

Madaxweynaha  Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kulan...

Askari ka tirsan DFS oo darawal ku dilay Kaaraan

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degmada...

Maxaa looga hadlayaa shirka Golaha Ammaanka ee Q.M ee Furmaya Mareykanka?

Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa maanta si...

Soomaaliya oo soo dhaweysay taageerada Masar

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysey dhambaal ka soo baxay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles