Wednesday, June 24, 2026

Ciidamada Xoogga oo ka hortagay weerar ay Al-shabaab ku qaadi rabeen Diinsoor

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyaadka Al-shabaab damacsanaayeen inay ka geystaan degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kadib howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka.

Inta lagu guda jiray howlgalka, ciidamada ayaa burburiyey saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen duleedka degmada Diinsoor, waxayna ka saareen miinooyin ay kooxdaasi ku aaseen wadooyinka gala magaalada. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in howlgallada ay yihiin kuwo joogto ah oo lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah ee ka howlgalaya gobolka Baay.

Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyey in howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab ay ka socdaan deegaano kale oo hoos taga maamul-goboleedka, si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo xoraynta dhulka weli ku harsan gacanta kooxda.

Dhinaca kale, ciidanka dowladda Federaalka ayaa howlgal kale ka sameeyey deegaano hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku burburiyeen xarumo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Saraakiisha ammaanka ayaa xusay in howlgalada socda ee ka socda gobollada kala duwan ee dalka ay qeyb ka yihiin dadaallada dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada lagu doonayo in dalka looga xoreeyo argagixisada si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo horumar waara.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles