Dab la qabad siiyay masjid ku yaala Galgaduud

Wararka ka imaanaya deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dab lagu qabadsiiyay mid ka mid ah masaajidda ugu waaweyn ee deegaankaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in shacabka deegaanka ay si wadajir ah u go’aansadeen in masaajidkaas la gubo, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ka horjeeday dariiqada iyo caqiidada ay bulshada deegaankaas raacsan tahay muddo dheer.

Dabka ayaa gebi ahaanba burburiyay dhismaha masaajidka, waxaana la sheegay in wixii ka soo harayba la dumiyay.

Xogaha hordhaca ah ayaa tilmaamaya in masaajidkaasi ay ku cibaadaysan jireen koox dad ah oo leh aragti ka duwan dariiqada bulshada deegaanka, taasoo keentay khilaaf xoogan oo sababay tallaabada lagu gubay.

Dhacdadan ayaa lagu sheegay mid ku cusb gudaha Soomaaliya, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee si toos ah loo gubo masaajid Alle lagu caabudo, sababo la xiriira khilaaf dariiqo diimeed.

Arrintani ayaa keentay muran iyo walbahaar bulshada dhexdeeda ah, iyadoo weli aanay jirin war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug ama culimada deegaanka ee ku saabsan dhacdadan.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles