Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku eedeysay ku guuldareysiga ilaalinta xuquuqda dadka Gaza

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaliishay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ku eedeysay inuu ku guuldareystay dhaqangalka qaraarrada loogu talagalay ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee shacabka Gaza.

Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle, ayaa sheegay in xaaladda Gaza ay si xawli ah uga sii dareyso, iyadoo dagaalka Israa’iil uu sababay gaajo ba’an, masiibo bini’aadantinimo iyo dhibaato joogto ah oo si gaar ah u saameynaya haweenka iyo carruurta.

“Golaha Ammaanka wuxuu ku guul darreystay dhaqan-galka qaraarradii ku baaqayay joojinta dagaalka, sii deynta maxaabiista, fududeynta gaarsiinta gargaarka, iyo ilaalinta sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri Baalle.

Diblomaasiga Soomaaliya ayaa caddeeyay in dalkiisu mar kale garab taagan yahay shacabka Falastiin, isagoo ku baaqay:

In la soo afjaro qabsashada dhulka Falastiin.

In la joojiyo dagaalka joogtada ah.

In xorriyadooda dib loo siiyo dhammaan dadka si aan sharci ahayn loo xidhay.

In dib loo bilaabo hab siyaasadeed oo lagu gaari karo xalka laba-dawladda ah.

Wakiilka Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada Qatar, Masar iyo Maraykanka ee ku aaddan nabad raadinta, isagoo rajo ka muujiyay in shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee toddobaadka soo socda uu horseedi doono nabad waarta iyo cadaalad dhab ah.

Ugu dambeyntiina, Soomaaliya waxay ku adkaysatay inay ka go’an tahay raadinta nabad waarta oo ku dhisan qiyamka iyo dastuurka Qaramada Midoobay, si loo soo afjaro qabsashada muddada dheer socotay ee dhulka Falastiin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles