Tuesday, June 23, 2026

Wasiir Juxa “Waxaan joognaa meel Soomaalidii kala aammin baxday, kala shakisan”

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland, Cabdi Faarax Juxa, ayaa hadallo kulul ka jeediyay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in Soomaaliya maanta ay ku jirto marxalad adag oo kala fogaansho iyo kalsooni darro ah.

Juxa ayaa tilmaamay in dalka uu ka dhex jiro laba aragti oo isdiidan:-

Aragti uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dowladda Federaalka oo ku saabsan dhismaha awood mideysan.

Aragti kale oo Puntland ku dooddo, taas oo ku saleysan nidaamka federaalka.

“Aragtida aan kala adkaanno oo Xasan Sheekh iyo Dowladda Federaalka hoggaaminayaan iyo aragtida federaalka oo Puntland ku doodeyso ayaa suuqa yaalla, meel Soomaalidii kala aammin baxday baan joognaa,” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Isagoo sii faahfaahinaya, wuxuu ku daray in Soomaalida maanta kala shaki iyo kala aammin baxday, iyadoo khilaafku salka ku hayo arrimo badan oo ay kamid yihiin:

Dastuurka iyo dowlad dhiska

Basaboorka iyo aqoonsiga

Mashruucyada horumarinta iyo taageerada beesha caalamka

Shahaadooyinka iyo adeegyada aasaasiga ah

“Waxaan joognaa meel Soomaalidii kala aammin baxday, meel ay kala shakisan tahay oo isku maqantahay. Waxaan isku haysannaa dastuurkii iyo dowlad dhiskii, basaboorkii iyo aqoonsigii, mashruucii iyo kolaygii baryada, shahaadadii iyo adeegyada aasaasiga ahaa,” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf siyaasadeed oo xooggan uu u dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, iyadoo doodda ugu weyn ay tahay qaabka federaalka iyo awood qaybsiga dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles