Wasiir Juxa “Waxaan joognaa meel Soomaalidii kala aammin baxday, kala shakisan”

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland, Cabdi Faarax Juxa, ayaa hadallo kulul ka jeediyay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in Soomaaliya maanta ay ku jirto marxalad adag oo kala fogaansho iyo kalsooni darro ah.

Juxa ayaa tilmaamay in dalka uu ka dhex jiro laba aragti oo isdiidan:-

Aragti uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dowladda Federaalka oo ku saabsan dhismaha awood mideysan.

Aragti kale oo Puntland ku dooddo, taas oo ku saleysan nidaamka federaalka.

“Aragtida aan kala adkaanno oo Xasan Sheekh iyo Dowladda Federaalka hoggaaminayaan iyo aragtida federaalka oo Puntland ku doodeyso ayaa suuqa yaalla, meel Soomaalidii kala aammin baxday baan joognaa,” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Isagoo sii faahfaahinaya, wuxuu ku daray in Soomaalida maanta kala shaki iyo kala aammin baxday, iyadoo khilaafku salka ku hayo arrimo badan oo ay kamid yihiin:

Dastuurka iyo dowlad dhiska

Basaboorka iyo aqoonsiga

Mashruucyada horumarinta iyo taageerada beesha caalamka

Shahaadooyinka iyo adeegyada aasaasiga ah

“Waxaan joognaa meel Soomaalidii kala aammin baxday, meel ay kala shakisan tahay oo isku maqantahay. Waxaan isku haysannaa dastuurkii iyo dowlad dhiskii, basaboorkii iyo aqoonsigii, mashruucii iyo kolaygii baryada, shahaadadii iyo adeegyada aasaasiga ahaa,” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf siyaasadeed oo xooggan uu u dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, iyadoo doodda ugu weyn ay tahay qaabka federaalka iyo awood qaybsiga dalka.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles