Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka maalgelinta hawlgalka AUSSOM

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Maalgelinta Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagaga arrinsayey garab istaagga amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa muujiyey mudnaanta ay leedahay in Soomaaliya hesho taageero dhaqaale oo joogto ah, si loo xaqiijiyo amniga, loo dhiso awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, loona sii ambaqaado jidka xasilloonida iyo madax-bannaanida dalka.

Shirkan oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa waxaa ka soo qeybgalay saaxiibbada caalamiga ah iyo deeq-bixiyeyaasha oo xoogga saarayey maalgelinta howlgalka AUSSOM.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka iyo Bahwadaagta Caalamiga ah ayaa soo bandhigay qorshayaasha dhaqaale ee hawlgalka iyo sida loo xaqiijin lahaa taageerada dhaqaale ee amniga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay kabka miisaaniyadeed ee Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles