Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ee BFS oo ka dooday doorashada xubnaha EALA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka  Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada u faahfaahiyay qorshaha doorashada xubnaha sagaalka ah ee Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa ka dooday qaabka ay u dhaceyso doorashada xubnaha sagaalka xubnood ah ee Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika xiliga ay dhaceyso.

Dhinaca kale kulanka Guddiga Joogtada ayaa looga hadlay ajendeynta kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda iyo sida ay horutebinta u kala leeyihiin, waxaana guddoomiyaasha guddiyada Golaha kulanka la wadaageen warbixinta shuruucda ay hayaan iyo habraacyada u dhiman.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Guddiga Joogtada kula dardaarmay dardareglinta shaqqda guddiga iyo in ay muhiimadda siiyaan shuruucda horutebinta u leh dowladnimadda.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles