Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ee BFS oo ka dooday doorashada xubnaha EALA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka  Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada u faahfaahiyay qorshaha doorashada xubnaha sagaalka ah ee Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa ka dooday qaabka ay u dhaceyso doorashada xubnaha sagaalka xubnood ah ee Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika xiliga ay dhaceyso.

Dhinaca kale kulanka Guddiga Joogtada ayaa looga hadlay ajendeynta kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda iyo sida ay horutebinta u kala leeyihiin, waxaana guddoomiyaasha guddiyada Golaha kulanka la wadaageen warbixinta shuruucda ay hayaan iyo habraacyada u dhiman.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Guddiga Joogtada kula dardaarmay dardareglinta shaqqda guddiga iyo in ay muhiimadda siiyaan shuruucda horutebinta u leh dowladnimadda.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles