RW Xamsa oo daah-furay furista 52 waddo oo Muqdisho ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay qorshaha dib loogu furayo waddooyinka xiran ee caasimadda, oo gaaraya 52 waddo, kuwaas oo 15-kii sano ee la soo dhaafay u xirnaa sababo amni.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay qorshaha furitaanka waddooyinka caasimadda in uu ku yimid isbeddel iyo horumar muuqda oo laga sameeyey amniga caasimadda, taas oo keentay in laga maarmo xirnaanshaha waddooyinka.

“Duruuf adag ayaa keentay 15kii sano ee la soo dhaafay in la xiro waddooyinka caasimadda, mushkiladda dhabta ah laguma xallin karo jid la xiro ee waa in lala dagaallamo argagixisada oo la iska dhiciyo, maadaama aysan ahayn bahallo jid gooyo ku istaagaya”.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal badan galisay sidii loo xaqiijin lahaa amniga caasimadda, iyada oo la sameeyey shuruucdii ilaalinaysay, kana hortagaysay wax walba oo khatar ku ah, sida hubka waaweyn iyo wax walba oo horseedaya amni darro.

Ra’iisul Wasaaraha, oo u mahadceliyey guud ahaan hey’adaha amniga, maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho, ayaa xusay in amnigu uu yahay mas’uuliyad wadareed ay tahay in cid walba ay doorkeeda ka qaadato sidii loo xaqiijin lahaa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles