Sunday, June 28, 2026

Qarax ka dhacay xarunta Godka Jilicow

Qarax xooggan ayaa waxaa uu ka dhacay meel u dhow xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxu ka dhacay agagaarka bar amni oo laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada, halka warar kalena ay tilmaamayaan in bartilmaameedku uu ahaa xarunta Godka Jilacow, oo ah xabsi weyn oo ay maamusho Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

Qaraxa kadib ayaa la maqlay rasaas xooggan oo muddo socotay, taas oo keentay cabsi iyo argagax ku faafay xaafadaha ku dhow goobta.

Ilo-wareedyo amni ayaa sheegay in ciidamadu ay xireen waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa aagga uu qaraxu ka dhacay, iyadoo baaritaanno ay socdaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xero ay leeyihiin kurdiyiinta Ciraaq oo la duqeeyay

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka...

Nin Mareykanka ku eedeeyay Musuq-maasuq oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Cabdikariim...

DFS oo Sheegtay in Duqeymo lagu dilay  Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka...

Booliska Soomaaliya oo Xoojiyay Howlgallada Ka Dhanka ah Faafinta Anshax-xumada

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howlgallada lagu...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles