DFS oo sheegtay in la toogtay raga weeraray Godka Jilicow

War rasmi ah oo ay baahisay Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta abaaro 4:40 galabnimo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ay weerar naf-hurnimo ah ku qaadeen xarunta Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho, taas oo ka mid ah xarumaha ay maamusho Hay’adda NISA.

Sida lagu sheegay warka dowladda, kooxdii weerarka qaaday ayaa adeegsaday gaari ay u ekaysiiyeen mid ay leeyihiin ciidamada NISA, waxaana howlgal degdeg ah lagu dilay qaar ka mid ah maleeshiyaadka weerarka qaaday, halka uu weli socdo howlgalkii lagu soo afjarayay kooxda weerarka fulisay.

dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa iyadu sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo ku faanay in dagaalyahanno ka tirsan ay hadda dagaal kula jiraan gudaha xarunta Godka Jilacow.

Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana socda howlgal ay wadaan ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles