Sheekh Shariif oo cambaareeyay weerarka lagu qaaday Godka Jilicow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka kooxda Al-Shabaab ay maanta ku qaadday xarunta Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in weerarkan uu yahay mid lagu carqaladeynayo nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku tilmaamay fal argagixiso oo lagu doonayo in lagu cabsi geliyo bulshada iyo lagu dhaawaco hay’adaha ammaanka dalka.

“Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarka kooxda argagixisada ah ee AS ay ku qaaday xarunta Godka Jilacow ee Magaaladda Muqdisho. Duullaankaan waa mid lagu wiiqayo nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarka, isaga oo ciidamada ammaanka iyo shacabka ku booriyay inay mideeyaan dadaalkooda sugidda amniga iyo ka hortagga weerarrada naf-hurnimada ah.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ammaanay geesiyaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee maanta dib ula wareegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo ku tilmaamay guul muhiim ah oo muujinaysa dhiirranaanta iyo kartida ciidamada dalka.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles