Sheekh Shariif oo cambaareeyay weerarka lagu qaaday Godka Jilicow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka kooxda Al-Shabaab ay maanta ku qaadday xarunta Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in weerarkan uu yahay mid lagu carqaladeynayo nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku tilmaamay fal argagixiso oo lagu doonayo in lagu cabsi geliyo bulshada iyo lagu dhaawaco hay’adaha ammaanka dalka.

“Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarka kooxda argagixisada ah ee AS ay ku qaaday xarunta Godka Jilacow ee Magaaladda Muqdisho. Duullaankaan waa mid lagu wiiqayo nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarka, isaga oo ciidamada ammaanka iyo shacabka ku booriyay inay mideeyaan dadaalkooda sugidda amniga iyo ka hortagga weerarrada naf-hurnimada ah.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ammaanay geesiyaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee maanta dib ula wareegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo ku tilmaamay guul muhiim ah oo muujinaysa dhiirranaanta iyo kartida ciidamada dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles