Thursday, April 9, 2026

Puntland oo gacanta ku dhigtay xubno gacan saaar la leh Daacish iyo Al Shabaab.

Ciidamada PMPF oo kaashanaya hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa gacanta ku dhigay shakhsiyaad ka tirsan shabakado gacansaar la leh AS iyo Daacish iyo hubkii ay wateen.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PMPF ayaa lagu sheegay in shabakaddaasi ay gacanta ku dhigeen Ciidanka sida gaar ka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanaya hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA kadib hawlgal ciidan oo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso.

” Ciidamada sida gaar ka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanaya Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Boosaaso gacanta ku dhigay shakhsiyaad ka tirsan shabakado gacansaar la leh Argagixisada, kuwaas oo lagu soo qabtay walxaha qarxa iyo hubka culus” ayaa lagu yiri Qoraalka PMPF.

 

Shakhsiyaadka gacanta lagu dhigay ee qaybta ka ah Shabakado lagu raadjoogo ayaa lagu qabtay noocyada kala duwan ee hubka culus, Budada laga Sameeyo walxaha Qarxa, Miinooyin, Bambooyinka gacanta, Hoobiyayaal iyo agabyo kale.

WARARKII KALE

Xasan Sheekh, Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas...

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

Wefdiga Iiraan oo maanta tegaya Pakistan

Safiirka Iiraan u fadhiya Pakistan, Reza Amiri-Moghaddam, ayaa Khamiista...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo war ka soo saaray heshiiska uu la galay Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles