Wasiirka Gaashaandhigga Sweden oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden, Pål Jonson, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Booqashada wasiirka Sweden ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga difaaca iyo amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sweden, iyadoo labada dal ay horey uga wada shaqeynayeen arrimo la xiriira taageerada ciidamada iyo dib-u-dhiska hay’adaha amniga Soomaaliya.

Inta uu joogo Muqdisho, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden waxa uu kulamo rasmi ah la yeelan doonaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu ku jiro Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, amniga, iyo tababarka ciidamada.

Safarkan ayaa muujinaya sii xoogeynta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Sweden, gaar ahaan dhinacyada nabadeynta, taageerada ciidamada qalabka sida, iyo amniga gobolka Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta...

Aadan Madoobe oo la shiray Ciidamada Itoobiya

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Guddoomiye Jaamac oo war ka soo saaray halista Kooxaha Burcad badeeda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa bayaan...

Turkiga oo beeniyey in xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Soomaaliyeed

Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyey baraha bulshada...

Weriye Boqorka Bartamaha oo lagu dilay Jarmalka

Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday ruugcaddaa saxaafadeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles