Wednesday, April 15, 2026

Xamaas oo sii deysay Maxaabiistii ugu horeysay iyo Trump oo goor dhow gaaray Telaviv

Xamaas ayaa sii daysay qeybtii ugu horeysay Maxaabiista Yahuudda oo ay ku wareejisay Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah.

7- ka mida Maxaabiista Yahuudda oo la sii daayay ayaa kusii jeeda Isrl, waxaana hadda socda qorshe ay qeybta labaad ee Maxaabiista Xammaas sii deysay lagu wareejinayo Laanqeynta Cas, iyadoo la filayo inta harsan oo ay ku jiraan Meydad in lasii daayo ilaa maanta.

Donald Trump ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Tel aviv, isagoo khudbad u jeedin doona Baarlamaanka Yahuudda ee loo yaqaan Kenneset, kadibna wuxuu Berri tegi doonaa dalka Masar, halkaas oo shir weyn uu kula yeelan doono Madaxda 20 dal oo ka mida Dalalka Carabta iyo Muslimiinta.

Dhinaca kale Isrl ayaa sii deyneysa ilaa 1966 Maxaabiis oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 250 oo xukunnaa Xabsi daa’iin, waxaana magaalada Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza ka socda xaflado lagu soo dhoweynayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa...

Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa...

Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto...

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii...

Muddo xileedka BFS oo maanta ku eg iyo mucaaradka oo abaabul bilaabaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles